Mohamed Abdilaahi Uurcade oo u duur-xulay Gudoomiyaha xisbigiisa Wadani Mudane Abdirahmaan Cirro. | Gabiley News
Gabileynews.net
Mohamed Abdilaahi Uurcade oo u duur-xulay Gudoomiyaha xisbigiisa Wadani Mudane Abdirahmaan Cirro.
November 10, 2016 - Written by admin

Hargeisa(Gabileynews.net) Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Mudane Mohamed Abdilaahi Uurcade ayaa maanta mar uu shir jaraaid ku qabtay xarunta Xisbigaasi  sheegay in Mudane Abdirahmaan Cirro wakhtigii ugu Adkaa ee dhibka ugu badani haysteen Shacabka reer Somaliland isla Markaana madaafiicda iyo dayaaradaha lagu garaacayay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland uu isagu waa Cirro eh kusugnaa safaaradii Somaliya ee magaalada Mosco. Waxaanu sheegay Mr. Uurcadde inay intaas u dheerayd inuu Musharaxa Xisbiga Wadani Mudane Cirro Tahriibin jiray dadkii u qaxay Dalkaas oo uu kamid ahaa Eng.Faysal Ali Waraabe.

 

hadalkan oo uu ahaa mid la moodayay inuu ku difaacayo Xogahayaha Guud Musharaxiisa ayaa u muuqday marka dhinac Kale laga eego mid uu dadka ugu iftiiminayay waayaha uu Candiraxmaan Cirro kunoolaa wakhtigii dadkiisu silcayeen ee xabadda xanuunada iyo qaxootigu isku biiray

mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa wakhtigaa kamid ahaa saraakiisha safaaradaha Debeda ujoogay nidaamkii macangaga ahaa ee xasuuqay dadka reer Somaliland iyadoo dadka qaar sheegaan inuu Cirro dawladda Somaliya u qaabilsanaa soo iibinta Hubka iyo saanadaha millatary ee Debeda laga soo iibiya gaar ahaan Dalkii uu Safiirka ka ahaa we midawga siifiyeeti.

Arrintan ayaa dad badan soo xusuusinaysa in dadkii la shaqaynayay nidaamkii xasuuqay een waligood kalmad u odhan dadkiisa iyo maatidooda la laxasuuqayay uu maanta doonayo inuu Mafaxweyne unoqodo

 

COMMENTS
Wararka