Xisbiga Kulmiye oo joojiyay Xafaladaha waaweyn oo Hoteelada iyo hoolasha lagu qabto Gudo iyo Dibadba Xaalada Abaaraha Awgood. | Gabiley News
Gabileynews.net
Xisbiga Kulmiye oo joojiyay Xafaladaha waaweyn oo Hoteelada iyo hoolasha lagu qabto Gudo iyo Dibadba Xaalada Abaaraha Awgood.
November 10, 2016 - Written by admin

Hargeisa(Gabileynews.net)  Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa maanta Warsaxaafadeed uu soo saaray ku joojiyay qabashada xaaladaha waaweyn ee loo qabto taageerayaasha kusoo biiraya Xisbiga ee Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba maadaama oo Dalka ay kajiraan Abaaro baahsani gaar ahaan Gobolada Bariga ee Dalka, Warsaxaafadeedkan oo uu saxaafadda u akhriyay Afhayeenka Guud ee Xisbiga Kulmiye Mudane Xassan Gafaadhi ayaa lagu wargaliyay Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Laamaha Debaba in la hakiyay qabashada Xafladaha waaweyn Siloola qaybsado ayuu yidhi walaaleheena tabaalaysan ee Abaaruhu ku habsadeen waa inaan joojinaa dhamaanba wixii Xaflado ah.

Arrintan ayaa muujinaysa sida Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisuba ugu nugul yihiin uguna damqanayaan dalkooda iyo dadkooda tabaalaysan ee abaaruhu ku habsadeen Ilaahay haka Dul qaadee,

Waxa iyagu wali sii wada Xafaladaha waji kumacaashka ah ee dhalinyarada yar yar lagu soo Khaldo Xisbiga Wadani oon ilaa hadda dhag jalaq usiinin Walaalahooda Abaaruhu kudhufteen kana Doorbiday inay maalinba meel ku qabsadaan Xaflado lacag badani ku baxdo halka loo baahnaa inay kaalmeeyaan Bulshada ay codka kadoonayaan.

COMMENTS
Wararka