Cabdiraxmaan Cirro muxuu ka aaminsanyahay Jiritaanka Somaliland? | Gabiley News
Gabileynews.net
Cabdiraxmaan Cirro muxuu ka aaminsanyahay Jiritaanka Somaliland?
November 11, 2016 - Written by admin

Hargeisa(GNN)Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Mudane Abdirahmaan Abdilaahi Cirro ayaa dadbadani isweydiinayaan wakhtiga uu kasoo laabtay nidaamkii Federalka ee uu aaminsanaa iyo midnimdii Somaliweyn, Mudane Cirro oo markii ay Somaliland lasoo noqotay madax banaanideed 1991 kadib isagu wali sii ahaa Safiirka Somaliya u fadhiya Dawladii markaa Burburtay ee Somaliya isagoo ka rajo sugayay ilaa 1995kii in dib u dhisanto Somaliya isla Markaana wali isagu Safiir uga sii ahaa Mosco ayaan lagaranayn goorta uu kasoo laabtay mawqifkiisa Somaliweyn oo sida lasheegay uu aaminsanaa ilaa 1998kii balse hal mar uun la arkay isagoo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ah kadib markii uu Faysal Cali Waraabe Kadhigay una sahlay inuu Xilkaa qabto.

waxa iyana arrintan marag usii noqotay kadib markii uu sicad usheegay inaanu aaminsanayn oo kasoo horjeedo Xuska 18may ee Somaliland xoriyadeeda lasoo noqotay oo laga Xuso Guud ahaan Sonaliland isagoo sicad usheegay inuu dib u eegis kusamayn doono haduu talada Dalka kuguulaysto waa sida uu isagu yidhiye.

 

Haddaba gabo gabadii waxay isweydiin leh Io calamaatu suaal saarantahay Cabdiraxmaan Cirro ma aaminsanyahay jiritaanka Dalka uu hogaankiisa u tartamayo?

 

 

COMMENTS
Wararka