Xisbiga Kulmiye Laantiisa Austria oo doortay Hogaan Cusub | Gabiley News
Gabileynews.net
Xisbiga Kulmiye Laantiisa Austria oo doortay Hogaan Cusub
November 13, 2016 - Written by admin

London (GNN) Xisbiga Kulmiye Laantiisa Austria ayaa doortay Hogaan Cusub oo hagi Doona Laanta Xisbiga Kulmiye ee wadankaas, shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha dhexe ee Laanta Austria oo ka qabsoomay Caasimadda Vienna ayaa Lagu doortay Guddigan Cusub halka Xilka lagaga Xayuubiyay Guddigii Hore oo iyagu noqday qaar fadhiid ah kadib markii ay Gudan Kari waayeen waajibaadkii Xidbigu uga baahnaa Xubnaha Guddigan Cusub ayaa kala ahaa sidan ee la doortay.

1.Gudoomiye    Mudane   Ismail  Mohamed Ali

2.gudd.Xig.1aad  Mudane Abdirashiid Walaf

3.Gudd.Xigeenka 2aad Mudane A/qaadir

4.Xoghaye Guud Mudane Mukhtaar Rooble

5.Afhayeen  Suldaan Mohamed Hirsi

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Ubax Ahmed

Doorashada Hogaankan Cusub ayaa laga filayaa is bedel iyo dardar galin hor leh inay kasameeyaan Laanta Xisbiga isla Markaana ay lahaan qaadaan dadaalada Xisbigu ugu jiro hanashada Kursiga ee 2aad.

 

COMMENTS
Wararka