Ma dhabaa inay muddo dheer kadib kulmeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cabdicasiis Samaale | Gabiley News
Gabileynews.net
Ma dhabaa inay muddo dheer kadib kulmeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cabdicasiis Samaale
November 14, 2016 - Written by admin

London(GNN) Muddo sanad iyo badh ah kadib ayaa lagu soo waramayaa Inay habeen hore Jilbaha is dhigeen Wasiirkii Hore Maaliyadda Mudane Samaale iyo Madaxweyne Siilaanyo, kulankan oo ahaa mid ay saxaafadu Dibada kajoogtay ayaa sida aanu warbaahinta qaar lasoo Xiganay ahaa Kulan u badnaa islaab xaadhasho iyadoo Madaxweynaha iyo Samaale oo muddo dheer saaxiib soo ahaa ay kala xidhiidh furteen mudooyinkii xaraaradda Xisbiga Kulmiye Aadka u kacsanayd.

Sida ay wararkani sheegayaan waxay Madaxweynaha Qaranka iyo Samaale iska laabxaadheen waxkasta oo hore u dhacay halka uu Madaxweynuhu ku hambalyeeyay Samaale goaanka uu qaatay ee uu heshiiska buuxa kula galay saaxiibkood Muuse Biixi oo hadda ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye

ugu dambayntii waxa laisla qaatay inay lagama maarmaan tahay in laga wada shaqeeyo Sidii Xisbigu markale ugu guulaysan lahaa Talada Dalka.

COMMENTS
Wararka