Mayor iyo Xoghaye Isku xaafad ah oo taariikhda markii u horaysay ka taliya Gabiley+kacdoonka Beelaha Kale ee Gobolka kunoolaa. | Gabiley News
Gabileynews.net
Mayor iyo Xoghaye Isku xaafad ah oo taariikhda markii u horaysay ka taliya Gabiley+kacdoonka Beelaha Kale ee Gobolka kunoolaa.
November 14, 2016 - Written by admin

imageLondon(GNN) Caasimadda Gobolka Gabiley ayaa taariikhda markii ugu horaysay ay isku jufo Hoose noqdeen Mayarka Degmada iyo Xoghayaha Dawladda Hoose iyadoo ay meesha kabaxday habkii Saami-Qaybsiga Beelaha Gabiley kusoo caano maaleen taas oo aanay waligeed hore u dhicin in ay isku beel noqdaan Mayorka iyo Xogahaya Dawladda Hoose.

mohamed Amiin Omer waa Maayarka wakhtigan ee Degmada Gabiley halka uu Cabduraxmaan Nuur Abokor ka yahay Xoghaya Fulinta Dawlada Hoose labadan masuul ayaa iyagu kasoo wada jeeda Beelaha Reer Cumar ee Gabiley halkii Guud ahaanba ay meesha ka maqanyihiin Beelahihii Kale ee Gobolka Gabiley.

Mid kamid ah Odayaasha Gabiley oo cabiray dareenkiisa ayaa yidhi:Adeer labadii saxeexba isku dhinac ayay noqdeen waxana wax hore udhici jiray maaha waxa intaa noo dheer qabyaalad iyo nin jeclaysi lagula dhaqamo Qofkasta oon ahayn Beeshaa Xilalkii Degmada wada qaadatay markaa hadaan sidaa wax laga badalin waxaanu katashan doonaa talaabada aanu qaadi doono.

 

Sidoo Kale dhalinyarada iyo haweenka kasoo jeeda Beelaha kale ee Degan Gobolka oo baryahanba shirar Hoose uga socdeen Magaalada Gabiley ayaa Guud ahaanba qawadsan hoostana ka xariiqay in cadaalad darro weyni meesha kajirto oo ay labadii masuul ee Degmada ugu sareeyay isku xaafad noqdeen iyagoon wali laga war qabin waxyaabaha ay isla meel dhigeen

 

sikastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee taariikhda ay isku beel noqdaan labada masuul ee Degmada ugu sareeyaa iyadoo 25sanadood ee Somaliland jirtay Marba Beesha Maayarka haysa maahee Beesha Kale loo magacaabi jiray Xoghayaha Dawladda Hoose balse Xukuumaddan Kulmiye Ayaa ka gaabisay inay u xaqsoorto Beelaha Reer Gabiley, waxana isasoo taraya saluugga iyo cabashada ay arrintani keentay

Ahmed Abdi Jama

 

 

COMMENTS
Wararka