Jamaal cali xuseen oo lasheegay inuu markale ka badbaaday ilduuf siyaasdeed oo soo wajaha iyo Xisbiga Kulmiye oo uu ku biiri dooni todobaadyada soo socda | Gabiley News
Gabileynews.net
Jamaal cali xuseen oo lasheegay inuu markale ka badbaaday ilduuf siyaasdeed oo soo wajaha iyo Xisbiga Kulmiye oo uu ku biiri dooni todobaadyada soo socda
December 5, 2016 - Written by admin

Hargeisag(Gabileynews.net)Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hore u ahaa musharaxii xisbiga UCID ayaa si kama danbaysa u shaacinaya Todobaadkan inuu ku biiray xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE iyadoo ay talaabani noqonayso Mid ka badbaadisa Ilduuf iyo fashil siyaasadeed oo markale kuyimaada masiirkiisa siyaasadeed ,waxaana la sheegay in xubnhii uu hogaaminayay ee garbkii UCID kala soo goostay ay ka biyo diideen qorshaha uu Jamaal ugu biirayo Xisbiga KULMIYE iyagoo kula talinaya in aanu garab siin Kulmiye

Beelaha ay kasoo kala jeedaan Jamaal Cali xuseen iyo Musharax Muuse Biixi ayaa si rasmi ah ugu heshiiyay in guud ahaan beesha Subeer Awal dhisto Musharaxa Xisbiga KULMIYE.,waxaana doorwayn ka ciyaaray siyaasiga wayn ee Xasan Gadhwayne oo ah Musdanbeedka gudidad Dan iyo duco.

ma jirto boos siyaasadeed oo dan u ah Jamaal Cali Xuseen oo uga banaan Xisbiga WADDANI ,waana sababta uu ugu qancay inuu ku biiro xisbiga ay fursadaha badani ka jiraan ee KULMIYE .

Heshiiska hordhaca ah ee Xisbiga KULMIYE uu u soo bandhigay aqoonyahan jamaal ayaa waxa kamida .

1: In loo celiyo lacagtii kaga burburtay Xisbiga UCID lana siiyo lacag dhan 1 million oo kaasha .

2:in loo magaacbo madaxa mashaariicda immaaradka ee Somaliland gaar ahaana gobolka saaxil iyadoo la sheegay in ay Jamaal si dadban ay u hoos tagi doonta Dekeda Berbera iyo saldhig dawlada immaradku ka dhisanayso berbera iyo warshada sibidhkuba

3:in jago wasiirnimo oo muhiima uu ka qabto xukuumada Muuse Biixi hadiiba uu guulaysto mustaqbalkana loo carbiyo musharaxa Xisbiga KULMIYE.

Aqoonyahan jamaal ayaa la sheegay inuu ku qancay balanqaadyadaasi waxanaa madasha ay balantaasi ku gali doonan goobjoog ka noqon doona suldaanka Guud ee Saldanada Subeer Awal suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan. iyo siyaasiga ibraahin dhegawayne .

COMMENTS
Wararka