Abwaan Weedhsame oo Maanso ka Tiriyay Hunguri Xumada Qoyska Madaxtooyada ee Dalkii oo Dhan Xaraashay. | Gabiley News
Gabileynews.net
Abwaan Weedhsame oo Maanso ka Tiriyay Hunguri Xumada Qoyska Madaxtooyada ee Dalkii oo Dhan Xaraashay.
February 12, 2017 - Written by admin

weedhsame

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil ayaa Boggiisa Facebook-ga soo Dhigay Maanso Cabiraysa Xaalada Adag ee dalkii Somaliland manta marayo iyo Habaarka kaga Dhacay Hogaankii oo aan udiir naxay Bulashiisa.

Inu hebel macaashiyo
Inu hebel mashruuc helo
Xeerar loo malmalay iyo
Dawlad lagu masruufayo
Qoysas aan marganinoo
Malafsiga xalaashaday
Mashaqiyo dhib weynaa!!!

Dalku kaan u madhanee
Dhibta aan u mudanee
Maryo dhiigle loo furay
Kunka madina loo qalay
Loo galay mannaayaha
Maal iyo naf loo huray
Ma-huraankii weeyee,
Waa Maxay ka miisiyo
Ku muraadsadaaydani?
Waa Maxay man dhaafsiyo
Shisheeyaha Ku maashani?

Maahmaahaheenii
Midhadh kaa quuseeyoo
Caawana markhaatiya
Muurmuurso caydhyahay.

Nimay soori malagtaa
Waa nin seef is mariyee,
Macal cune ma dhuuntee
Kollay muuqan doonee,
Halkay maalin dacawadu
Macda neefka ku cuntaa
Macaluushi dhigataa,
Hunguriga la mariyaa
Wax ka weyni maaf noqoy,
Sir ma qabe na Mawluu
Weligii u magan yahay.

 

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil

COMMENTS
Wararka