“Waxan Halkaa Ugu Dibjiray Ma Saleebaan Gaal Bay Noqotay,Oday Mooryaan Ah Inuu Yahay Ma Nin Diidan Baa Jira?” Mujaahid Cali Gurey | Gabiley News
Gabileynews.net
“Waxan Halkaa Ugu Dibjiray Ma Saleebaan Gaal Bay Noqotay,Oday Mooryaan Ah Inuu Yahay Ma Nin Diidan Baa Jira?” Mujaahid Cali Gurey
February 13, 2017 - Written by admin

Gabileynews.com febarwari.13,2017-Mujaahid Cali Gurey gudooomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga UCID hadana ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ku eedeeyey inuu u tafaxaytay sidii uu u kala firdhin lahaa bulshada Somaliland.

Sidoo kalena waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in aanu shalay dhex ahayn gudoomiyuhu.sidoo kalena waxa uu faah-faahin ka bixiyey taariikh nololeedkiisa iyo halkii uu kasoo galay halgamayaashii xaq u dirirka ahaa ee SNM.

Sidan waxa uu Cali Gurey ku sheegay qoraal kooban oo ku baahiyey bartiisa uu ku leeyahey Facebook-ga waxaana ay u dhignayd sida tan

 

“Waxan halkaa ugu dibjiray ma Saleebaan Gaal bay noqotay. Allaa qadaray. Shalay soomaali oo dhan baa daawanaysay inu guurti yahay iyo inu gaal cadow ah yahay iyaga ayaa xukumi. Ninkii gabayga tiriyay wuxu yidhi:”

CAKU MUDANAHAYGII MOORYAANTU DHAANTOW
“Oday mooryaan ah inu yahay ma nin diidan baa jira? Waa kii dadka isu keeni lahaa oo u tafoxaydan inu kala firdhiyo.
1990kii ayuu Xamar ka soo baxsaday halgan Baligubadlle umuu iman inu fidno ka dhex rido SaNM iyo Isaaq ayuu u yimi. Hadii aan la iska garan oo aan la isu tanaasulin waa la kala tegi lahaa. Waxa la ogolaaday oo si sharkiisa looga badbaado loo ogolaaday in markii ugu horaysay taariikh SNM loo jebiyo Xeerkii Mujaahidka oo ahaa Dastuurkii SNM. Isaga arkayay oo maqlayay dagaalkii afka ee Xeerka aan ixtiraamno iyo dhinicii cadhaysnaa ee tanaasulay oo leh diidnay ayuu caqligiisu siiyay in odhan waayo “waar aniga daraaday SNM u burburi mayso eh xeerkiina raaca”. Aakhirkii waxay noqontay Xeerka SNM waxa ka mudan midnimada SNM. Sidaas ayuu ku helay inu noqdo xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee SN. Saleebaan waa kii maalintaa oo waa kii Shalay. Madaxwaynahana sharaftiisa iyo karaamadiisu kuma jirto habdhaqanka Saleebaan Gaal. Madaxwaynaha waxa ehel u ah ka dadka dhexdooda wanaag ka dhalinaya ee isu keenaya ee heshiisiinaya laakiin ka kala kaxaynaya ee isku diraya ee dhexdooda fidno ka abuuraya sida Saleebaan Gaal ehel uma ah”sidaas ayuu hadalkiisa u dhigna mujaahid Clai Gurey 

Gabileynews.net

Gabiley office

COMMENTS
Wararka