WAX KA BARO KALIDOOD TALIYASHA AFRIKA UGU WAKHTIGA DHEER | Gabiley News
Gabileynews.net
WAX KA BARO KALIDOOD TALIYASHA AFRIKA UGU WAKHTIGA DHEER
February 25, 2017 - Written by admin

Gabileynews.net (gnn) Omar xasan axmed al bashiir  wuxu dhashay 1 Januar 1944kii waa siyaasi sudani ah waaa madaxweunaha hada talada haya waa gudoomiyaha  xisbiga (national congress party)..wuxu talada dalka la wareegay 1989kii isagoo wakhtigaa ahaa taliyaha guud ee ciidanka milatariga ahana sareeye guuta omar xasan axmed waxa uu horkacayay koox sarakiila oo talada dalka kula wareegay inqilaab waxay afganbiyeen dowladii la  soo doortay  ee uu hogaaminayay rayesul wasaare ,Sadiq al Mahdi ,

Kadib wada hal ay la fureen jabhadihii dhinaca koonfureed waxa loo doortay madaxweyne muddo dhan saddex sano oo madaxweyne nimo ,waxa uu cadaadis saaray musuqmaasuqa halakeeyay dalka wuxu noqday bishi maarso 2009kii madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo talada haya ay so  eedeyso maxkada caalamige danbiyada dagaalka waxa lagu eedeyay dilal toosa ah xasuuq . kufsi iwm kana dhacay gobalka darfuur

October 2005kii waxay  la xaajootay dawladii al bashiir  si loo dhameeyo dagaalkii labaad ee sokeeye waxana lagu heshiiyay in dadyowga dhinaca koonfureed afti dadweyne laga qaado taas natiijadii ka soo baxaday ay noqotay in ay kala go.aan koonfurta iyo waqooyiga marka laga reebo gobalka salida ku qaniga ah abyee oo lagu heshiiyay muddo kadib I si gaara afti looga qaada

Dhinaca kale dagalka gobalka Darfur ayay dowlada omar al bashiir ku sheegtay dadka ku nafwayay 10,000kun balse hayadaha madax banan ayaa diiday kuna sheegtay ku dhawaad 200,000 ilaa 400,000 dowlada omar al bashiir ayaa la kulantay muddo xileedkaasi carqalado adag oo u dhexeeyay jabhado dhawra sida , janjeweed iyo jabhada xoraynta sudaan (SLA) iyo jabhadii cadaalada iyo sinaanta (JEM) qaab ah dagaal dhumaalaysi ah kan soconayay gobalka Darfur , dagaalka sokeeye waxa ku bara kacay ku dhwaad 2.5 milyan oo ka mida dadweynah sudan oo ah ku dhwaad 6.25 milyan

Shaqaaqdan  ayaa saamaysay xidhiidhkii dhinaca diblamaasiyada ee wada jaarka siiba wadanka chad waxa kale oo ay lumiyeen jabhadaha gobalka darfuur tageeradii dalka libiya ay siinjirty dalka sudan markii uu meesha ka baxay hogaamihii libiya ee macamar alghadafi iyo dhicitaankii kalidii taliyihii dalkaas

2008kii dacwad oogaha guud maxakamada caalamiga ah ee dabeyada dagaalka( ICC) Mr ,  Luis Moreno Ocamp ayaa ku soo oogay xasuuq ka dhan ah dhinaca baniaadanimada ah iyo danbyo dagaal oo ka dhacay gobalka darfuur .4 march 2009kii ayaya maxakada ICC du saa sartay waarankii dacwada ugu horeeyay ee ka dhan ah qabashada madaxwenaha sudan omar albashir lala xirrirnayo xasuuq bani aadannimo kana dhacay gobalka darfuur  maxkamada ICC da ayaa shegtay in ay u hayso cadaymo ku filan sidaa darted ku so oogtay dacwadada, sikastaba ha ahaa tee 12 ….2010ki ayay maxkamadu soo saartay waarankii labaad oo ka kooban saddex dacwadood oo kala duwan waaranka cusub ayaa lo soo gaadhsiiyay dawlada sudaan balse dawlada sudaan Ayaan aqoon san sidii kii hore oo kale ,

Maxkamada ICC da ayaa ku sheegtay in uu al bashiir ka qayb qaatay si aan toos ahayn laguan tuhunsanyahay shaqsiyan albashir in uu yahay danbiile , qaarka mida khabiirada caalamiga aha ayaa ka fakaraya hadiiba lous mournho ocampo in aanu ahaynin cadaymo ku filan dacawadan al bashiir ,go.aanka maxakada aduunka waxa gaashanka ku dhuftay golaha amanka iyo midnimada afrika( AU), jaamacada carabta iyo daaladaha ruushka iyo chayna iyagoo ku doodaya in ayna cadaalad ahayn

Lasoco cadadka danbe waxa qoray Kayse A.M.

First degree for BIT .

And candidate for MA

Email ccmawel0122@gmail.com

COMMENTS
Wararka