Axmed Siilaanyo Madaxwaynihii Dadkiisii oo Abaaro Madhiyeen, Dalxiis iyo Tamashlayn Hantidoodii u isticmaalaya. | Gabiley News
Gabileynews.net
Axmed Siilaanyo Madaxwaynihii Dadkiisii oo Abaaro Madhiyeen, Dalxiis iyo Tamashlayn Hantidoodii u isticmaalaya.
March 9, 2017 - Written by admin

siilaanyo iyo aaminaAxmed Siilaanyo waa m/weynaha Dadkiisii iyo dalkiisii oo abaaro iyo Sicir bararo ku habsadeen isna bil Fasaxa ku raaxaysanaya dalka Ingiriiska, ceebtii maahee waa Caadadii, xiligii abaartii daba dheer Ka dhacdey gobolada bariga S/L Axmed Siilaanyo wuxuu ahaa Wasiirkii qorsheynta dalkii la isku Odhan jirey Somaliya markii dadkii Abaartu ku dhacday lagu daad Gureynayey wuxuu fasax ku Joogey dalka ingiriiska taariikhdu Waxay ahayd 1974, Ismaaciil Cali Abokor ayaa ka mid ahaa ragii ku Eedeeyey Axmed Siilaanyo Masuuliya daro iyo in xilka laga qaado Maxkamadna la taago, hase Yeeshee Axmed Siilaanyo wuxuu
Ka hoos galay oo loo mari waayey Maxmed Siyaad Bare, waxaana Airintaas ka dhashay khilaafkii
Uugu horeeyey ee dhex mara
Ismaaciil Cali Abokor iyo Maxamed Siyaad Bare.

W/Q: Muj” Cali Xaraaro

COMMENTS
Wararka