Sucuudiga Kamay Iman Waxaa Rag Isa Siiyeene W/Q: Muj. Cali Xaraaro | Gabiley News
Gabileynews.net
Sucuudiga Kamay Iman Waxaa Rag Isa Siiyeene W/Q: Muj. Cali Xaraaro
March 9, 2017 - Written by admin

qoyska-siilaanyoSaldhigyada ciyaar looma bixin
Ina suldaanoowe
Sooryada badhkeed waa sarbeeb
Laysku sirayaaye
Surbiyahanka xajiimeysen
Iyo soleyga qaameysen
Waxay samafal inoogu sheegayaan Siinta godobeysen
Saaxiib difaacey rabaan
Iney samaystaane
Waana sababaha aawadood
Saaxil loo gadaye
Sidaa waxaa loo yeelayaa
Sahashaney saane
Hadaan saac kale u bixin
Qorshahan sida la doonaayo
Wax kaseydhi maayaan
Shacbigan saaran daawaha,
Saleebaan iyo Seylici
Waa saaca waayaha,e
Baashi wuxuu sidiqey
Sirtey siisey sodohdiiye
Waakaa salaankii u baxay
Wuuse soo degi,
Nin siyaasad liitaaba
Waa siduu ahaan jireye
Tii ina siyaad baan ogaa
Waxay ku seexdeen,
Sicir bararka sideed dhaafey
Waa waxay sameeyeene
Saxariirka keligey maqabo
Simey dad weynaha,e
Surbacaadka bari Saalaxoow
Hererna saameeye
Somali land oo idil majiro
Samo nin sheegtaaye
Iyagaa saqiirkeyga baday
Suufta gaajada,e
Sucuudiga kamay iman
Waxaa rag isa siiyeene
Saamigeenii ayaa laga tabcaday
Sarahan dhaadheere
Ina xaashi haduu suuxi jirey
Wuu siyaadsedey,
Sebenkii xumaadaba ragbaa
Sahayda naaneyse
Markii araldu sumad beeshey
Ayuu suurey dhaqankiiye
Ninba siduu ku noolaan lahaa
Suubi falawgeede
Kuwa siinka bawdada marsadey
Wey sejeleyiin,
Dadku uur samaantii malaha
Sanadkan suudoowe
Saaxiibka dhalintii ahayd
War isma siiyaane
Si kalaa laysku toydaa
Sida mayeedhaane
Salaadaan xataa laysku xidhan
Subaxda ciideede
Hadii sixirka m/yooda yaal
Suuqa laga doono
Inuu saawir waan hubaa
Waranka sooyaal.

W/Q: Muj” Cali Xaraaro

COMMENTS
Wararka