Gabiley Gob-bay ahayde Gun Baa Qabsatay!!!!! | Gabiley News
Gabileynews.net
Gabiley Gob-bay ahayde Gun Baa Qabsatay!!!!!
April 10, 2017 - Written by admin

gabiley-1Taariikhda inta laga Joogo Gabiley Waxay Caan ku ahayd Gobonimada, Marti soorka iyo Soo Dhawaynta Bulshooyinka kala Duwan ee Somalida, Waxay Gashi iyo Gaashaanba la Wadaagi jirtay Deegaanada Faceeda ah, Waxaana u Talin jiray Dad mudakar ah oo Garanaya Waxa ay Gobonimadu Tahay.
Tan iyo intii Xukuumada Siilaanyo la Wareegtay Xukunka Dalka Waxay Gabiley Gacanta u gashay Caruur Magaceedii God ku Riday oo Guulwadayntu kala Qiimo badatay Sumcadii Gobolka iyo Dadka Deegaankaba.
Waxay Taladeedii Gacanta u Gashay Shaqsiyaad Sharafta Siista Amaan Aad ka Heshid Madaxtooyada oo Ficillada Xunxun ee ay samaynayaan Godob u Abuureen Dadkeeda, Booggo meel ka dhac ahna ku Noqdeen Dadkeedii oo kaftanka lagaga Adkaado marwalba oo ay Ficil Gobonimada Dhaawacaya la yimaadaan.
Guulwadayntu Waxay ka mid noqotay Cudurada Aafeeyay Sumcadii Qofnimo ee Siyaasiyiinta Somaliland ee Sida Guracan kusoo galay Saaxada, Waana Ta u horseeday Dhag Xumada maalin walba Taagan ee Shacabku ku Dhaga Barjoobay.
Maamulka Wakhtigan Gacanta ku hayaa Gabiley intuu ugaystay Waligeed looma Gaysan, Waana mid ku Taala Diiwaanka Taariikhdeeda, Dadkeeduna Beerka ka Ogsoonyihiin, Waxaa Maalin walba Dhagaha Dadka kusoo Dhacaya Dhiilooyin Dhaawac ku ah Sharafta Ehlu Khayrka Baladka Degan ee aan waxba ka ogayn Naxliga la kala dhex dhigayo Dadka Reer Somaliland.
Waxaan aragtidayda kusoo Afmeerayaa Tuduc ka mid ah Maansadii Abwaan C/qaadir Qorane ee ahayd:-
Gobol waliba kii dhibay
Ha geeyeen maxkamadaha
Garsoorkii islaamkiyo
Nabsigey guraayeen
Godolkiis ha maaleen
Haku fulo ganaax adag
Ha gareysto uunkuna
Haddii weyl la gowracay
In uu dibi wedkii galay
Taariikhda guunka ah
Giraan weeye socotee
Godob yaanan laga gelin
Yaan la galabsan ceebaal
Waxaan kaa go’eyn abid
Guudka yaanan loo dhigan

Maxamed Maandhaye
Hargeisa Somaliland

COMMENTS
Wararka