Filashada Seefta Madaxweyne Siilanayo iyo Falaadha ku ganan Wasiirada Qaarkood(Faallo) | Gabiley News
Gabileynews.net
Filashada Seefta Madaxweyne Siilanayo iyo Falaadha ku ganan Wasiirada Qaarkood(Faallo)
April 14, 2017 - Written by admin

Hargeisa(Gabileynews) wakhtiyada qaar marka aad booqato  goobaha caanka ah ee ay inta badan iskugu yimaadaan Masuuliyiinta Xukumadda Xilalka ka hayaa waxad arkaysa is Dhex yaac iyo welwel wajiyadooda ka muuqda Xubno badan oo inta badan la arki jiray iyagoo farxad ku cawaynaya, Faqa iyo xanshaashaqu Sidoo Kale waa waxa ugu badan ee indhahaagu qabanayaan goobaha Sida Summertime iyo Hotelada Kale ee loo caweystago waxa kaliya ee laisweydiiyaa tolow waa goorma? Yay Seeftu qaadi doontaa? Iyo hadalo lamid ah.

 

Dabcan waxa jira Wasiiro iyaga lasheegay inay bartilmaameed u yihiin Isbedelka dhawaan lafilayo oo qaar kamid ahi ay lakulmeen fariimoisku dadban oo loogu Quus goynayo balse ku dedaalaya inay wado kasta umaraan Sidii ay markale uga soo muuqan lahaayeen uguna sii nagaan lahaayeen Xilalka ay hayaan walaaca iyo rafashaduna waa mid aad wajiyadooda ka dheehan karto oo aanay qarsan Karin.

Inkasta oo lafilayo dabayaaqada bishan in Madaxweyne Siilaanyo Seefta la Dhex qaado isla Markaana ay xayndaabka weydaaran doonaa Xubno Wasiirro iyo Agaasimeyaalba lihi lama qiyaasi Karo kuwa ay noqon doonaan marka laga reebo dhawr Wasiir oo iyaga lahubo inay Sahayan doonto Seefta Madaxweynuhu Sidoo Kale waxa la filayaa in kuwaas bedelkooda ay saaxadda soo gali doonaan Xubno wajiyo Cusub ah oo taageero siyaasadeed iyo Miisaanba Xusbiga Kulmiye ku biirin doona wakhtiga Doorashada maadaama oo olole balaadhan Xusbigu Gali doono. Waxana loo badinayaa in Xubnaha qaarkood ka iman doonaan wadamada Qurbaha oo ay markooda horeba hawlo shaqo Xusbiga Uga hayeen.

 

ugu dambayntii bal waxan dhawri doonaa malamaha soo socda iyo Seefta Siilanayo Cidda ay Sahayan doonto

Gabileynews.net

Hargeisa, Somaliland Office

COMMENTS
Wararka