NINBA TABICII TALOY KAA MAAL ?? | Gabiley News
Gabileynews.net
NINBA TABICII TALOY KAA MAAL ??
May 30, 2017 - Written by admin

NINBA TABICII TALOY KAA MAAL

Waxa qoray Mohamed abdilahi maameel

Talada marxalda maanta qadiyada s/land kadib 26 sano markii  lagu dhawaaqday go,aanka m/banaanida JSl waxa mudnaan leh in la sameeyo munaasibad lagu qiimeeyo jaanisyada aan haysanaya wixii aynaan ka qabsan oo aan  awood u lahayn inaan qabsano ma adaama aan sanadkii 27aad aanu inoo muuqan ifafaale aqoosi ma adaama aya culaysyadeena kale ay badaen yi hiin

Sida doorashooyinka isgaadhay shaqa la.aanta xad dhaafday iyo korodhaka culaysyada siyaasadeed ee inagu lidka ah sidaa daraadeed culays kasta oo jira waxa lagaga dabaalan karaa talo.

 marxad kastaana waxay u baahantahay talo u qalanta iyo go,aankeeda

Hadaba inagu maanta ma nahay dad ay tahay in ay talo raadiyaan? Si loo gaadho mawqif lagu qaadan karo go,aan geesinimo leh in aynu isdaawadsiino intaan qabsanay wax ka wanagsan in aynu garano xanuunka kale ina haya si aan daawada u helo .

Ama inaan ogaano  hadii ay tahay in aynaan ka run sheegin xaqiiqada masiirkeena waxan leeyahay madaxda xisbiyada qaranka iyo murashaxiinta haday jiri lahayd garasho ,waxa la yihi nin ay meeli u cadahay meeli ka madow , ma joogo maanta maalin kursi loo tartamo .waxana la yidhi njnkaan  waxa soo socda  garani waxa jooga ma garto.

Waxa kale oo la yidhi indhahaagu haday hoos wax kuu tusaan korna wax ha kuu tuseen doorasho maanta uma baahnin ee waxan u baahan nahay talo maqaamkeeda oo kale aanu hore u jirin ha ahaatee anigu waxan qadimayaa talo bixin tyda

1 in suunka dhexd lagu adkaysto si ay naan hore u yeelin oo shaqadu noqoto tabaruc

2 in xisbiyadda qaranku ay qaataan go,aan ay ku dhisayaan dowlad ku meel gaadha muddo afar sano ah iyagoo ay ka reeban tahay waxa kala jiidasho

3 in la kala diro golaha wakiilada  iyo golahayasha deeganka

4 in la dhimo kharashaadka wasaaradaha  iwm marka laga reebo gaashandgiga

5 in ciidamada la xoojiyo la habeeyo mushaarkana loo kordhiyo

6 in wadanka lagu soo rogo xukun degdega muddo lix bilooda  kaasoo lagaga faaidaysan karo

B kala danbayn ilaa xadka loo baahanyahay ah

T= fududaynta in la xakameeyo musuqmaasuqa

J =fududaynta dhaqan celin maamul iyo shaqo kasta oo loo qabanayo ummada

X =inaan si habqana loogu hanqal taagi karin muqdisho

7= afarta sanadood in talo galku noqdo in la qabato waxan la qaban 26ka sano ee aan soo dhaafanay .

“Gebagebo “

 hadii aan la qaadan  talo miisankan oo kale leh oo sidaan arkayno wax u socdaan ,anigu maangaran ee waxa  ka jawaabi cida kale garanaysa .

 

 

 

 

 

                                                                    

COMMENTS
Wararka