|
||||||
Gabileynews.net
Go’aan-qaadashadu Waa Hoggaamin, Siyaasadduna Cuqdad Maaha ee Waa ilbaxnimo.
December 14, 2017 - Written by admin
Waan ku celinayaa qodobkaas go’aannada haddii aan gaadho kama laabto, inaan munaasibaddan ka qaybgalaana go’aankayga ayey ahayd shakhsiga ah. Xisbiga, Guddoomiyaha, masuuliyiinta iyo cidkasta oo kale kuma raaligeliyo aragtidayda. Waxan aaminsanahay in munaasibadda Madaxtooyada lagu qabtay ay ahayd munaasibad qaran, sidaa si la mid ah waxan aaminsanahay in Md. Muuse Biixi yahay madaxweynaha Somaliland, iyo madaxweynahayga labadaba, sidaas si la mid waxan aaminsanahay in Dr. Cabdiraxmaan Cirro uu yahay Guddomiyaha Xisbigayga iyo saaxiib aanu isku kalsoonnahay oo aanu soo wada marnay maalmo badan adkaa. Waxan xusayaa in aan qaar ka mid ah masuuliyiinta Xisbigayga u sheegay shalay inaan anigu shakhsi ahaan ka qaybgalayo munaasibadda oo aan go’aankaas qaatay isla markaasna aanu jirin sharci ii diidaya illeen waa munaasibad qaran’e, anigoo ku tegay martiqaad shakhsi muwaadin ah. Aflagaaddada Saaxiibbo badan igaga imanaysaa maaha mid wax ka beddelaysa aragtidayda iyo higsigayga mustaqbal midna, sidoo kale waxba kama beddelayso halgankii iyo taariikhdii aan usoo maray in uu halkan soo gaadho xisbigayga WADDANI, kaliyaata waxan ku kala baranayaa dadka ka qaybgalaya dooddan ku saabsan muwaadin ka qaybgalay munaasibad qaran. Iyadda oo Somalidu hore ugu maahmaaday “Af-xumo nabadna way kaa geysaa, colaadna waxba kaagama tarto”. Gaarriye-na wuxu hore u yidhi “Magliga gacal loola baxay Mohamed H. Dirir
COMMENTS
|
Wararka
|