Safiirka dalka Djibouti ee Muqdisho oo Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland iyo Madaxwaynaha Cusub ee La doortay. | Gabiley News
Gabileynews.net
Safiirka dalka Djibouti ee Muqdisho oo Hambalyo Udiray Shacabka Somaliland iyo Madaxwaynaha Cusub ee La doortay.
December 14, 2017 - Written by admin

Qaabilaad6Safiirka dalka Djibouti u qaabilsan Soomaaliya danjire Dr. Aadan Xasan Aaden (Beleloo) ayaa hambalyo u soo diray shacabka Somaliland iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Safiir Aaden, oo xalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ku farxay jawiga ay doorashadu ku qabsoontay iyo weliba jawiga nabadgelyo ee shalay xil wareejintu u qabsoontay, “Anigoo faraxsan, waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland iyo madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanan umadda Somaliland la qaybsanayaa farxadda iyo nabadgelyada ay doorashadu ugu qabsoontay, Allena waxaan uga baryayaa inuu horumarka u sii siyaadiyo.” ayuu yidhi Danjire Aaden.

COMMENTS
Wararka