Ceebaha Dul Hoganaya Maamulka Gabiley, Shaqaalihii Dawlada Hoose oo Bilaa Mushahar ah iyo Maayarka oo Qabyaalad ku Bixinaya Musharkii Bilo ka mid ah. | Gabiley News
Gabileynews.net
Ceebaha Dul Hoganaya Maamulka Gabiley, Shaqaalihii Dawlada Hoose oo Bilaa Mushahar ah iyo Maayarka oo Qabyaalad ku Bixinaya Musharkii Bilo ka mid ah.
December 31, 2017 - Written by admin

cropped-Gabiley-Loogo1Gabiley (GNN)- Shaqaalaha Dawlada hoose ee Gabiley ayaa Dhibaatooyin badani la soo Darseen ka Dib markii ay Seddexdii bilood ee ugu danbeeyey Bilaa mushahar noqdeen, Daynta Dawlada hoose lagu leeyahayna Xadhkaha Goosatay, Waxaanu soo Ifbaxaya Cuqubada Shaqaalaha muruqmaalka ah ee Qashinka Gura oo Si Badheedha loogu Tacadiyey.
Maayarka Magaalada Gabiley Amiin Cumar Dheere ayaa Bilaabay in uu Shaqsiyaadka Afmiisharada ah siiyo Bil bil mushaharkoodii ah si aanay Warkiisa ufaafin oo aanu warbaahinta ula hadal isaga oo ay Shaqaalaha Qaarkoodna ku Eedaynayaan inuu Qaab Beelaysan ku Bixinayo mushaharkii Shaqaalaha oo Reeraha Qaarkood laga ilaalinayo inay Dabka Wax Saartaan.
Hanti dhawrka Guud ee Qaranka ayaa la Filayaa in uu Todobaadka Soo Socda Booqasho ku Tago Gabiley iyada oo uu Diirada Saari Doono Wakaalada Biyaha oo Maamulka wakhtigani joogaa u samaystay Qasnado gaar ah oo ka Madax banaan kuwa Dawlada, Mashruucyo uu ka mid yahay Cusbitaalka kala baydh oo ay Maal galisay Marwada Madaxwaynaha Jabuuti Khadra Xayd oo la musuqmaasuqay, iyo Daymo la sheegay inay Wasiirkii hore ee Maaliyadu ku Reebtay Maayarka oo lagu Amray inuu mashruucyo been abuur ah usameeyo si aan dabagal loogu Samaynin.
La Soco Warbixin Muuqaal ah oo Ku Saabsan Arimahaasi aynu kor kusoo Xusnay iyo Xildhibaano ka mid ah Golaha soo Bandhigay Heerka Musuqmaasuq ka Taaganyahay Magaalada Gabiley.

Gabileynews.net
Gabiley Office
gabileynews@hotmail.com

COMMENTS
Wararka