War Deg Deg Ah : Maayarka Gabiley Oo Fakatay Mooshin Xil Ka Xayuubin Ah Laga Diyaariyey + Firxad Uu Ku Tagayo Wadamo ka Tirsan Yurub + Garabka Haweenka Xisbiga Wadani Oo Fiise Degdega usoo Saaray. | Gabiley News
Gabileynews.net
War Deg Deg Ah : Maayarka Gabiley Oo Fakatay Mooshin Xil Ka Xayuubin Ah Laga Diyaariyey + Firxad Uu Ku Tagayo Wadamo ka Tirsan Yurub + Garabka Haweenka Xisbiga Wadani Oo Fiise Degdega usoo Saaray.
April 26, 2018 - Written by admin

Hargeysa(GNN)- Warar lagu kalsoon oo soo gaadhaya xafiiska warqabadka ee warbaahinta Jasiirasomalinews ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada gabiley ay mooshin ka diyaariyeen maayarka degmada gabiley .
Iyagoo isku diyaarinaya in ay xilka Maamuus Ka Xayuubin ku sameeyaan maayarkooda ka dib eedaymo musuq maasuq oo ay Sheegeen in uu ku kacay mudadii uu ahaa maayarka degmada gabiley.
Wararku waxay intaa ku darayaan in maayar maxamed Amiin uu hurdo ladi waayey maalmihii la soo dhaafay ka dib markii uu maqlay in badiba xildhibaanada golahaasi ay abaabulayaan mooshinkaasi xila lagaga xayuubinaayo.
Waxaana intaa ay xogtu ku dartay in Maayar maxamed Aamiin uu dalka safar deg deg ah kaga baxay kaasi oo ku waajahan Wadamo Ka Mid ah Dalalka Yurub.
Waxaana u soo saaray fiisaha uu dalka kaga baxay ee uu ku galayo qaarada yurub qaar ka mid ah Garabka Haweenka Xisbiga Wadani ee Wadamada Sweden iyo Finland, iyagu suuro galiyey in maayar maxamed Aamiin uu safarkaasi baxo.
Safarkani uu dalka kaga baxsaday Maayarka degmada gabiley ayaa sidoo kale ay dadajisay ka dib markii ay gacantiisa soo gaadhay warqadda ay xildhibaanada tirada badani ku codsanayaan in uu kalfadhi u qabto si ay go,aan uga gaadhaan in uu sii ahaado maayarka Degmadaasi.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ayaa aljasiirasomali u Xaqiijiyey in Maayarku Si Wayn ugu Takrifalay Hantida umadda, noqdayna Shaqsigii ugu Musuqmaasuqa Badnaa ee Soo mara Xilka Maayarnimo ee Gabiley, iyaga oo Xusay in Shaqaalaha Dawlada Hoose ee Gabiley Qaarkood aanay 3 Bilood Mushahar Qaadan.
Kala Soco Haldoornews Wararka Safarka Baxsashada ah ee Maayarka Gabiley kaga Gabanayo Xil ka Qaadistiisa.

maayar

Gabiley News Desk

COMMENTS
Wararka