Boorama: Taariikhda Maayer-nimo Ee Degmada Iyo Tirada Maayerradii Soo Maray. By Ibraahim Suxufi. | Gabiley News
Gabileynews.net
Boorama: Taariikhda Maayer-nimo Ee Degmada Iyo Tirada Maayerradii Soo Maray. By Ibraahim Suxufi.
October 6, 2018 - Written by office gabiley

Oct 6 2018 Boorama (GNN) –  21-Xubnood Oo U Badnaa Duqaydii Magaalada Boorama Ayaa Ku Soo Baxay Doorashadii Ugu Horeysay Ee Goleyaasha Deegaanka Ee Dalka Laga Qabtay 15/Dec/2002-dii.
Markaasi Oo Golaha Deegaanka Degmada Boorama Ay Doorteen Maayerkii Ugu Horeeyey Ee Doorashada Golaha Dhexdiisa Ku Soo Baxa Kaasi Oo Noqday
Ex Mayer Cabdiraxmaan Sh.Cumar Oo Ku Guuleystay 14-Cod Sida Uu Isagu ii Xaqiijiyey,

Oo Markaasi Xilka Kala Wareegay Gugoomiyihii Ugu Dambeeyey Ee La Soo Magacaabo Oo Ahaa AUN Maayer Maxamed Muuse Bahdoon {Sangoor}
Gud Cabdiraxmaan Sh.Cumar Waxa Uu Xilkaasi Soo Hayey Muddo 4-Sanno ah, Waxana Lagu Xasuustaa Balaadhinta Xafiisyada Dawlada Hoose Iyo Ka Shaqeysiinta Hay’adaha Madaxa-banaan Ee Ku Xidhnaa Maamulka,
{Xasuusin: Xiligaasi Wixii Ka Horeeyey Xukuumada Ayaa Soo Magacaabi-jirtay Gudoomiyeyaashii Hore U Soo Maray Degmada Marka Laga Reebo Sanadkii 1963-kii},

4

Gudoomiyihii Xigay Waxa Uu Goluhu Maayerka Degmada U Doortay Cabdiraxmaan Shide Bille Sanadkii 2006-dii Kaasi Oo Taariikhda Ka Galay Baal Dahabiya Kadib Hirgelinta Jidadkii Ugu Horeeyey Ee Laami ah Ee Laga Sameeyo Magaalada Boorama Gudaheeda,

Gudoomiye Bille Waxa Uu Ahaa Maayerkii Ugu Waqtiga Dheeraa Magaalada Boorama Ee La Doorto. Waxa Uuna Xilkaasi Soo Hayey Muddo 6-Sano ah,

3
10-Sano Kadib, Markii Dib Loo Soo Doortay Golihii Xigey Ee Deegaanada 28/Nov/2012-kii Ayaa Xildhibaanadii Xiligaasi Cusbaa Waxa Ay Kal-fadhigii Ugu Horeeyey Ee Ay Yeeshaan Maayerka Magaalada Boorama Ugu Doorteen Gudoomiye Saleebaan Xasan Xadi 19/Dec/2012-kii

Isaga Oo Xilkaasi Soo Hayey Muddo 2-Sano iyo Badh ah, Markaasi Oo Xilka Looga Tuuray Mooshin Maamuus-Ka-Xayuubin ah Isaga Oo Weliba Goobta Ka Maqan 24/June/2015-kii,
Mooshinkaasi Oo Ay Sexeexeen 19-Xildhibaan Oo Golihiisa Ka Tirsanaa, Fadhigaasi Oo Lagu Doortay Maayerkii Xigey Oo Ahaa Maxamed Xuseen Maydhane Oo Xilkaasi La Wareegay 04/July/2015-kii,

2
Maayer Maydhane Waxa Uu Isaguna Xilkaasi Soo Hayey Muddo 3-Sano Iyo 3-Bilood ah Inkasta Oo Khilaaf Siyaasiya Uu La Degay Waqtigiisii Oo Dhan,
Sobobta Oo ah Cadaadiska Siyaasadeed Ee Saarnaa Maayer Maydhane Kuma Koobnayn Khilaafka Xildhibaanada Balse Waxa Xusid Mudan in 3-ka Mid 4-tii Badhasaab Ee 3-daasi Sano Ka Soo Shaqeeyey Gobolka Awdal
Wuxu La Soo Maray Waqtiyo Adkaa Oo Ay Saddexda-ba Khilaaf Adag Isla Soo Mareen, Tusaale ahaan Markii Ay Ugu Xumayd Gudoomiye Ramaax Waxa Ka Raariday Waqtiga Maadaama Markaasi La Bedelay Ramaax Laftarkiisa Halka Maydhane Badhasaabkii Xigey Ee Mustafe Shiine Uu U Dhigay Jilaafo Siyaasadeed Oo Sallaanka Ka Tuurtay Shiine,

Gudoomiyihii Ay Ka Soo Wada Shaqeeyeen Qaylodhaantii Abaaraha Ee Gaaxnuug Waxa Uu Kala Soo Qaybgalay Xafladii Uu Xilka Ku Wareejinaayey,
Marka Loo Eego Xaaladahaasi Maayer Maydhane Wuxu Ahaa Nin Adag,
Balse Waxay Arintiisu Ka Weedhay Markii Lagu Soo Eedeeyey In Uu Dhexfadhiistay Musuqmaasuq Iyo Lunsashada Hantida Umada, Taasi Oo Lumisay Fursadii Uu Haystay Iyo Xilkii Maayernimo Ee Magaalada Boorama,
Waan-waan Iyo Wada Hadal Socday 3-Maalmood Oo Uu Saarnaa Dooni Dhexmaraysay Bad-weyn Siyaasadeed Badhtankeeda Kadib, Waxa Uu Xilkaasi Ka Istiqaalooday 29/Sept/2018 Kadib Markii Uu Sheegay In Uu Ka Tanaasuley…..

1

Isla Maalintaasi Ayaana Golaha Deegaanku Dib U Doortay Maayerkii Hore Ee Saleebaan Xasan Xadi Isaga Oo Mar Kale Xilkaasi La Wareegay Maalintii Shalay Ee Khamiistii Oo Ku Taariikhaysnayd 04/Oct/2018,
Gudoomiye Saleebaan Xasan Xadi Ayaa Noqonaaya Maayerkii Ugu Horeeyey Ee Magaalada Boorama Mar Labaad Xilkaasi Loo Doorto, Waxana Horyaala In Uu Ka Faa’iideysto Fursadihii Uu Horey U Dayacay Iyo Doonidii La Degtay Maydhane,
Waxana Ka Mid ah Midaynta Garabyada Kala Mawqifka ah Ee Golaha Deegaanka Oo Hada U Muuqda Kuwo Ka Khasaaro Badan Markii Hore Ee Ay Ku Doorteen Aqlabiyada 14-ka Cod{67%} Maadaama Ay Hada Tiro ahaan Taabacsanyihiin Kala Badh {52%}.

Sidoo Kale Waxa Lagudboon In Aanu ILaawin In Ay Weli Degmada Haysato Dhaqaalo-Xumo Aad U Taag Daran Sobobta Oo Ah 3-Sano Kadib Maydhane Waxa Uu Ku Wareejiyey Qasnad Ay Ku Jirto 925-Million Oo Lacagta Shilinka Somaliland ah Oo Weliba Ay Ku Jirto Lacagtaasi Qaddar Dhan 620-Million Oo Mashaariicaysan,
{Macnaha Aan Lagu Sheegi Karin Dakhliga Hada Ugu Jira Qasnada Dawlada Hoose Ee Boorama}.
Ugu Danbayn Hadii Uu Caqabadahaasi Wax Ka Qabanwaayo Waxa Laga Yaabaa In 8-Bilood Kadib Ay Dhacdo Qiso Yaab Leh Oo Ciwaankeedu Noqonkaro
“Maayerka Keliya Ee Labo-Goor Loo Doortay Boorama Ayaa Ahaa Maayerka Keliya Ee Labo-Xili Hadana Xilkaasi Laga Tuuray”
Sobobta oo ah 9-Xubnood Ee Hada Ka Codeeyey Waxa Keliya Ee Ay U Baahanyihiin 2 ama 3-Xildhibaan Si Ay Markale Xilka Uga Xayuubiyaan.

Qalinkii
Ibraahim Suxufi
Faallada 7-aadka

COMMENTS
Wararka