Dawladda Itoobiya Oo Qunsul Cusub U Magacowday Puntland | Gabiley News
Gabileynews.net
Dawladda Itoobiya Oo Qunsul Cusub U Magacowday Puntland
January 30, 2019 - Written by office gabiley

Garoowe  – Madaxweynaha  Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Shalay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabiley qunsul cusub oo la sheegay inuu Dawladda Itoobiya u fadhiyi doona Magaalada Garoowe, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Jen. Mabratu Waldo Aragay.

 

Qunsul cusub  Jen. Mabratu ayaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe ka beddelaya qunsulkii hore Asmalaash oo muddo 13 sanno hayey xafiiskaasi.

 

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo toddobaadkan lagu caleema-saaray magaalada Garoowe ayaa sheegay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna waddaagaan soohdimo muhiima ah, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay dar-dargelinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Warbaahinta uu soo gaadhsiiyay xafiiska Madaxweynaha Puntland.

 

Gabagabadii, qulsulka cusub ee Itoobiya, ayaa ka mahad naqay sida Madaxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Itoobiya.

 

Tallaabada Itoobiya Qunsulku ugu Magacowday Maamulka Puntland  ayaa ah arrin Dad badan su’aal ka qabaan, maaddaama oo Puntland aanay ahayn Maamul ka Madax-bannaan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla-markaana Itoobiya uu Safiir u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa laba Toddobaad ka hor waxay Qunsul  cusub u soo Magacowday  Somaliland, kaasi oo hore Itoobiya Safiir uga soo noqday Dalal ay Jabuuti ka mid tahay.

Qunsul cusub  Jen. Mabratu iyo Madaxweynaha  Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni

COMMENTS
Wararka