Madax Ka Tirsan Dalka Kenya Ayaa Lagu Casuumay Biyo Wasakhaysan Iyo Dareeno Kala Duwan Oo Ka Dhashay….. | Gabiley News
Gabileynews.net
Madax Ka Tirsan Dalka Kenya Ayaa Lagu Casuumay Biyo Wasakhaysan Iyo Dareeno Kala Duwan Oo Ka Dhashay…..
February 13, 2019 - Written by office gabiley

2/13/2019 .Dadweyne ku dhaqan degaan lagu magacaabo Karare oo ka tirsan gobolka Marsabit ee dalka Kenya ayaa caro xoog leh u muujiyay hoggaamiyeyaashooda, ka dib markii ay waxba ka qaban waayeen dhibaatooyin heystay muddo dheer.

Madaxda degaanka ayaa lagu eedeeyay iney dedaal ku bixiyaan waxyaabo aan muhiim ahayn, halka aysan isku howleynin arrimaha ku saabsan danaha dadweynaha ay hogaamiyaan.

Arrin la yaab leh ayaa dhacday ka dib markii Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha deegaanka la iskugu yeeray shir, waxaana loo geeyay caagado ay ku jiraan biyo wasakheysan si ay u cabaan.

Talaabadan oo aheyd mid cajiib ah oo looga careysan yahay inaan deegaanka laga hir galinin adeegyada biyaha nadiifta ah, sida uu shaaciyay telefishinka Citizen ee dalka Kenya.

Dadweynaha ayaa sheegay in muddo dheer ay madaxdooda ka codsanayeen in wax laga qabto biyo la’aan ka jirta halkaas, taasoo ku kaliftay iney biyo wasakh ah cabaan maadaama aysan heli karin biyo nadiif ah.

COMMENTS
Wararka