Xidhiidhka U Dhexeeya Shacabka Reer Awdal Iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo u Muuqda Mid Faraha Ka Sii Baxaya +Wasiirada Reer Awdal Oo Shacabka Ay Matalaan Kalsoonidii Ay Ku Qabeen Ay Sii Yaraanayso…… | Gabiley News
Gabileynews.net
Xidhiidhka U Dhexeeya Shacabka Reer Awdal Iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo u Muuqda Mid Faraha Ka Sii Baxaya +Wasiirada Reer Awdal Oo Shacabka Ay Matalaan Kalsoonidii Ay Ku Qabeen Ay Sii Yaraanayso……
September 28, 2019 - Written by office gabiley

Borama(GNN)Waxaa Mudooyinkii Ugu Dambeeyey Siweyn u Soo Ifbaxaayey Wararka Sheegaya In Uuna Wanaagsanayn  Xidhiidhka U Dhexeeya Shacabka Reer Awdal Iyo Xukuumada Uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Taasi Oo Sababatay In Degaano Ka Tirsan Gobolka Awdal Ay Ka Dilaacaan Jabhado Hubaysan Kuwaasi Oo Saldhigyo Muhiim ah Ka Samaystay Deegaanada u Dhexeeya Gobolada Awdal Iyo Maroodi-Jeex Sida Ay Sheegaan Wararka Lagu Kalsoon Yahay.

Shacabka Reer Awdal Ayaa Waqti Xaadirkani u Muuqda Kuwo Intooda Badani Ka Caajisay Hadal Haynta Dhacdooyinka Siyaasigaa Ee Ka Taagan S/land.

Wasiirada Iyo Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Ka Soo Jeeda Gobolada Awdal iyo Salal Ayaa Inta Badan u Muuqda Kuwo Aan Ka Turjumin Baahiyaha Iyo Tabashooyinka Ka Taagan Deegaanada Ay Ka Soo Jeedaan Balse Taasi Badalkeeda Waxaa Ay Ahmiyada Gaara Siiyaan Sidii Ay Ugu Dhaga Nuglaan Lahaayeen Amarada Looga Soo Yeedhiyo Xafiiska Laga Soo Magacaabay Ee Madaxweyne Muuse Biixi.

Geesta Kale Wasiirada Iyo Masuuliyiinta Reer Awdal Ayaana Madaxtooyada Hargeisa uga Warbixin  Dhacdooyinka Siyaasigaa Ee Ka Taagan Gobolada Awdal Iyo Salal Ee Inta Badan Shacabku Sida Weyn u Hadal Hayaan.

Inkastoo Guud Ahaan Shacabka Reer Awdal Dal iyo Dibadba Ay Wacad Ku Mareen In Ayna Ka Dhicin Wax Doorasho Ihi Guud Ahaan Deegaanada Gobolada Awdal iyo Salal Ilaa Inta la Saxayo Tabashooyinka Ay Ka Qabaan Xukuumada iyo Saamiga Kuraasta Baarlamaanka.

Balse Dhaq Dhaqaaqyada Siyaasigaa Ee Ka Taagan Deegaanada Kala Duwan Ee Gobolada Awdal iyo Salal Ayaa U Muuqdo Kuwo Haddii La Dhayalsado Wax Ka Qabashadooda Ay Dhici Doonto Xal u Helidooda In Meel Fog Laga Raadin Doono.

Dhinaca Kale Siyaasiinta Beesha Dhaxe Qaarkood Ayaa Marar Kala Duwan Ku Sheegay Dhaq Dhaqaaqyada Siyaasadeed Ee Ka Taagan Gobolada Awdal iyo Salal Kuwo Ay Gacanta Kula Jiraan Shaqsiyaad Daacad u ah Siyaasada Dawlada Fadaraalka Somaliya Kuwaasi Oo Ka Faa’iidaysanaya Xagal Daaca Siyaasadeed Ee Ku Yimid Xidhiidhka U Dhexeeya Shacabka Reer Awdal iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Isku Soo Wada Duuboo Masuuliyiinta Reer Awdal Ee Xilalka Kala Duwan Ka Haya Xukuumada S/land Ayaa Dhamaantood Xidhiidh Wanaagsan Aan La Lahayn Beelaha Kala Duwan Ee Ay Ka Soo Jeedaan.

Magaalonews Desk.

COMMENTS
Wararka