Dawlada Itoobiya Ayaa Qorshaysay Sharci Dil ku Waajibinaya Magafayaasha Dadka Tahriibiya Ee Lagu Qabto Gudaha Itoobiya….. | Gabiley News
Gabileynews.net
Dawlada Itoobiya Ayaa Qorshaysay Sharci Dil ku Waajibinaya Magafayaasha Dadka Tahriibiya Ee Lagu Qabto Gudaha Itoobiya…..
October 17, 2019 - Written by office gabiley

Adis-Ababa)Dawlada Itoobiya Ayaa Qorshaysay Sharci Dil ku Waajibinaya Magafayaasha Dadka Tahriibiya Ee Lagu Qabto Gudaha Itoobiya…..

Dawlada Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay soo saarto sharci qabyo ah oo horyaalla golaha Baarlamaanka, kaasoo dhigaya in dil lagu fuliyo magafayaasha in qofkasta oo lagu helo in uu dadka tahriibiyo.

Sharciga oo uu diyaariyay xafiiska guud ee Xeer Ilaalinta Itoobiya ayaa u jeedadiisu tahay ka hortagga iyo xakameynta tahriibinta dadka, ka ganacsiga dadka iyo in dibadaha si aan sharci ahayn dad loogu diro.

Afhayeenka xafiiska xeer ilaaliyaha Itoobiya Zinabu Tunu ayaa sheegay in sharcigan la diyaariyey uu yahay mid waafaqsan qaraarrada caalamiga ah ee ay Itoobiya aqbashay, haddana fal-dambiyeedka ka ganacsiga dadkana uu yahay dambi aad u weyn, kaasoo xarig ama dil lagu muteysan karo.

Mr Zinabu ayaa intaasi raaciyey in markii ay siibatay dhibaatooyiinka ay tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ay kala kulmaan muwaaddiniinta Itoobiya, ay dowladda ku qasbanaatay in ay qaado tallaabada adag, si ay dhibaatada shacabka haysata looga hortagayo.

Madaxweynaha Itoobiya Sahle-warqi Zawde oo dhawaan baarlamanka dalkaas la hadleysay waxay sheegtay in tani iyo inta uu xilka qabtay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed, in muwaaddiniin dalka Itoobiya u dhalatay oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 90,000 oo qof laga soo daayau xabsiyo kala duwan.

Sikastaba ha ahaatee waxaa Itoobiya horay u dhaqan galay sharcigii tahriibinta dadka ee uu baarlamaanku horay usoo saaray , balse waxa muuqata in dawladu ay u baahatay sharci ciqaab adag lagu marinayo magafayaasha, kaasoo uu dil ku waajibinaya, maadaamaa dhibaatadu tahay mid aad u ballaaran”

COMMENTS
Wararka