DAAWO:- Taariikhda Magaalada SAYLAC Iyo Mucjisooyinka Ku Duugan ” Deegaankii Xadaarada Soomalida” | Gabiley News
Gabileynews.net
DAAWO:- Taariikhda Magaalada SAYLAC Iyo Mucjisooyinka Ku Duugan ” Deegaankii Xadaarada Soomalida”
November 19, 2019 - Written by office gabiley

bNov 19, 2019 Saylac ) – Magaaladan Saylac waa magaalo qadiimiya oo ku taala galbeedka Somaliland. Sida ay taariikhdu sheegto magaalada saylac waxa ay jirtaa muddo ka badan 14 qarni, waxaanay taariikhdu qoraysaa in saylac tahay meeshii ugu horaysay ee diinta Islaamku kasoo gasho dhulka Soomalilda. Saylac waxay Magaalada Boorama u jirta 243 km. Saylac waxay Xuduud la lee dahay Jabuuti , Itoobiya ,Yaman dhanka Koonfureed waxa ka xiga Itoobiya dhinaca Galbeed waxa Saylac ka xiga Jabuuti Waqooyina Yaman ayaa ka xigta waa Magaalo Kumanaan sanno Jirtay Siday Taariikhuhu qoreen

.Magaaladda Saylac Taariikhdeedu waxay gashaa 1400 ayay ka soo bilaabmaysaa siday ay sheegeen dadyawga Taariikhaha wax ka qoraa.Saylac waa Magaalo qadiimi ah oo ay xadaaraduhu ka bilaabmeen Saylac iyo Herer waxa u dhaxayn jiray Qalcad u dhaw Diridhaba Xadaaraddo badan baa isaga danbeeyay Saylac inta badan waxay u badnaayeen,Hindi iyo Carab ,kuwaas oo u joogay ganacsi sida Fooxa. Gobolku waxa uu can ku yahay Jasiirado badan waa ilaa Todoba Jasiiradood waxa kale oo ay caan ku tahay Qiblataynka oo ah Masjid laba qibla leh sida aad sawir ku aragtaan qibladii kale way duntay kolkii hore Qudus buu u jeeday kolkii Maka qibladda laga dhigayna xaga Makaa laga dhisay Masjid kale oo ay Cismaaniyiintu dhiseen baa jira kaas oo ilaa hada ay soo booqdaan

Boqortooyooyin badan ayaa soo maray Saylac waxaanay kala ahaayeen Boqrtooyadii

• Boqortooyadii Awdal
• Boqortooyadii Ifad
• Boqortooyadii Cismaaniyiinta
• Boqortooyadii ugu dambaysay oo ahayd Ingiriiska
Balse dhismaha ugu badan ee hadda sii taagan waxa ka dhisay Boqortooyadii Cismaaniyiinta
Wadamo badan oo Caalamka ka mid ah bay isku xidhi jirtay Magaalada Saylac waxa ka ganacsan jiray Doonyaha Hindiya ,Carabta,Shiinaha.

Saylac waxa lagaga hadli jiray ilaa 18 Af sidoo kale Saylac waxa soo maray Sahamiyayaal badan oo wax ka qoray Nin Ingiriis ahaa waxa uu ka qoray qarnigii 18oo Buug buugiisaas oo uu ugu magac daray (First foot Step in East Africa ) waxa kale oo wax ka qoray dhamaadkii qarnigii 7aad qoraaga la odhan jiray Yacquubi isaga oo sheegay inay wakhtigaa ahayd Magaalo wayn oo ay daganaayeen dad Soomaali ah oo Muslimiin u badan dad yawga wax ka qoray hadaad baadho

Waxa kale oo Saylac yimid Nin gaal ahaa waxaanu wax ku barty Sucuudiga Diinta Kiristaankana uu faafinayay waxaanu la baxay Cabdala waxa bartaas ugu yimid Sayid Maxamed Cabdala Xasan Sayidkaa fahmay oo ka caydhiyay waxaanu ku yidhi yaa Cabdala Tawakal Calalaa.

COMMENTS
Wararka